WASIIRKA MAALIYADDA SOOMAALIYA OO LAGU EEDEEYNAYO INUU BAALMAREY SHURUUCDA MAAMULKA MIISAANIYADDA

6 months ago
7

WASIIRKA MAALIYADDA SOOMAALIYA OO LAGU EEDEEYNAYO INUU BAALMAREY SHURUUCDA MAAMULKA MIISAANIYADDA, LEEXSADEYNA DHAQAALE HAY’ADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADDA

Xildhibaan Cabdillaahi Xaashi Abiib ayaa warqad aad u kulul oo toddoba bog ah wadatana lifaaqyo dheeraad ah oo caddeyn ah waxa uu ka qoray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige. Xildhibaan Abiib waxa uu Wasiir Cige ku eedeeynayaa maamul xumo, musuq-maasuq iyo ku-xad-gudub shuruucda iyo xeerarka Wasaaradda asaga oo sheegay in Wasiir Cige uu 28 Diseenbar 2023 qoray habraac uu tixraaciisu yahay lambar MOF/OM/0246/2023. Habraaca ayaa khuseeya maamulka iyo maareynta khidmadaha ay qaado Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, asaga oo Wasiir Cige uu amray in aan dakhliga lagu Shubin Khasnadda Hal Akoon ee Dawladda Soomaaliya uga furan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya loona yaqaan TREASURY SINGLE ACCOUNT, oo lacagtaas ay Hay’adda Socdaalku gooni u maamulan karto

Loading comments...